Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda ee Nairobi (Sawirro)

Posted on




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xamse Barre iyo xubno la socday waxaa xarunta safaaradda kusoo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa bogaadiyey shaqada ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta in ay si siman ugu adeegaan bulshada, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin.

Xamse Barre oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa booqashooyin kala duwan ku tagay xarumo caasimadda kuyaalla, waxa uuan la kulmay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link