Madaxweyne Putin oo saakay gaaray Shiinaha kana hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Dagaalka Ukraine

Posted on

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ka degay magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho laba maalin ah, taas oo xulafada kalitaliska ee Shiinaha iyo Ruushka isugu muujinayaan midnimo.

Booqashadan ayaa kusoo beegantay xilli ay Dowladda Ruushka sii xoojisay duullaanka ay ku heyso dalka deriska la ah ee Ukraine, sidoo kale waxay kusoo aadeysaa xilli uu Ruushka noqday dhaqaalihiisa uu wax badan ku tiirsanyahay Shiinaha, tan iyo marki ay dhaqaala ahaan u go’doomiyeen quwadaha reer Galbeedka.

Wax yar ka hor inta aysan booqashada Shiinaha u billaaban, ayuu madaxweynaha Ruushka Putin u sheegay warbaahinta Shiinaha, in Moscow ay diyaar u tahay in ay ka xaajooto colaadda Ukraine.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayuu Putin ku yiri “Waxaan u furannahay inaan wadahadal ka galno Ukraine, laakin wadahadallada noocaani oo kale ah waa in xisaabta lagu darsadaa in ay tixgeliyaan danaha dhammaan dalalka ku lugta leh colaadda oo aan annagana ku jirno,”.

Shiinaha ayaa horay u sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay colaadda Ruushka iyo Ukraine, laakin taageeray sheegashada Moscow ee ahayd in ay dagaalka u qaadday kaddib marki ay dareentay gardarro uga soo wajahan Galbeedka.

In booqashadiisa koowaad uu ka dhigo Shiinaha, tan iyo marki loo dhaariyay lix sano oo kale oo uu Ruushka hogaamin doono, ayay u muuqataa in Putin uu farriin u dirayo dunida, una sheegayo in ahmiyaddiisa koowaad ee xiriirkiisa shakhsiyadeed uu yahay madaxweynaha Shiinaha Xi.
Madal

 

Source link