Puntlnad oo ka hadashay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo waxa kasoo bixi kara

Posted on

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maalintii saddexaad ka socda shirka golaha Wadatshiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira qaarlood.

Shirkan waxaa mar kale ka maqan maamulka Puntland oo horey u shaaciyay in xiriirka u jareen dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna dhaliileen maamulkaasi hab-dhaqanka madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Wasiirka warfaafinta warfaafinta ee Punland Maxamuud Caydiis Dirir ayaa sheegay in shirka ka socda Muqdisho dhankooda waxba ka khuseyn, waxa uuna tilmaamay in shirkaasi wax natiijo ah kasoo baxeyn.

Waxa uu wasiir Ceydiid ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in dowladiisa wado gacan bidixeyn, waxa uuna shirka Golaha Wadatashiga Qaran ku tilmaamay mid ay kaliya ku sheekeestaan odayaal.

“Intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh  xilka kusoo noqday waxaaa iska socday talada gacan bidixda ah oo aan waxba kasoo baxayn, shirka socdana waxaan u aragnaa odayaal sheekeystay ” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan waxba ka khuseyn qodobada kasoo baxa shirka ka socda Muqdisho, waxa uuna caddeeyay in maamulka Puntland bannaanka ka yihiin waxa ka socda Puntland.

Shirka golaha Wadatashiga Qaran ee ka spcda Muqdisho ayaa looga hadlayaa qodobob ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, la dagaallanka Alshabaab, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo xasaasi ah oo khuseeya doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link