DEG DEG: Ra’iisul Wasaare Robert Fico oo toogasho lagu dhaawacay (Sawirro)

Posted on

Ra’iisul wasaaraha Slovakia, Robert Fico ayaa lagu toogtay bannaanka guriga dhaqanka ee magaalada Handlova oo ku dhow caasimadda dalkaa, kaddib markii qof uu ku dhuftay afar xabbadood, waxaa lagu qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

Waxaa laga dayrinayaa xaaladiisa caafimaad, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Slovakia, oo intaa ku daray in la xiray qof lagu tuhmayo inuu toogashadan ka dambeeyay.

Ninkii iskudayay inuu toogasho ku dilo Ra’iisul wasaaraha Slovakia, Robert Fico ayaa warbaahinta dalkaa waxay ku sheegtay inuu ahaa gabyaa 71 jir ah iyo xubin ka tirsan xisbiga Progressive oo ah xisbi taageerra reer galbeedka, kaaso magaciisa lagu sheegay Juraj Cintula, iyadoo sidoo kalana la helay hadallo hore oo ninkan uu si cad u sheegayo inuu ka soo horjeedo siyaadda Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha la toogtay ee Slovakia, Robert Fico wuxuu hoggaaminayay xisbigii mucaaradka ee ku guuleystay doorashada  dalkaas, isagoo si weyn u taageerra Ruushka, wuxuuna qaaday tallaabooyin cad-cad oo uu ku garab istaagayo Moscow, isagoo diidday hubka Ukraine in la soo mariyo dalkiisa iyo joojinta shixnada hubka ee Ukraine.

Wuxuu ballanqaaday inuu ka hortagayo Ukraine inay ku biirto NATO, maaddama Slovakia ay xubin ka tahay isbahaysiga NATO, waxaa kalo uu qaatay go’aan uu cunaqabateynta uga qaadayo Ruushka.

Source link