Ilhan Cumar oo Guul kale ka gaartay doorashada xisbiga dimoqoraadiga ee DFL

Posted on

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.

Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto.

Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shirarka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga waydiiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilmaantay “xasuuq.”

“Ma jirto qaab aan anaga muwaadiniinta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabi’inayo dadka rayidka ah,” ayey Ilhaan Cumar ku tiri hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybgalayaasha.

Don Bacon oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Nebraska ayaa soo bandhigay qaraar lagu canaananayo Ilhaan Cumar oo uu ka sheegay eedeymo la xiriira qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha Yuhuudda inay ka qayb qaateen xasuuq. Samuels waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu ku sii jiro tartanka degmadan ee xisbiga dimuqraadiga si xooggan.

Halka Samuels uu ku doodayo hadallada Ilhaan Cumar in ay yihii kuwo dadka kala fogeynaya isla markaana kala qaybinaya degmada, waxa uu mooshinka canaanta ah ee Bacon ugu yeeray siyaasad. Isaga oo isla su’aashaas ka jawaabaya, Samuels waxa uu dagaalka ugu yeeray “xaalad qalafsan oo aad u gurracan.”

“Inaad hoggaamiso degmo ay ku badan yihiin Yuhuuda iyo Muslimiinta, halkii ay kulamadu ka noqon lahaayeen shirweyne wada hadal, halkaas oo khatartu aad uga yar tahay xiisadduna ka hooseeyso tan Bariga Dhexe lafteeda, iyadu waxay dooratay hal dhinac,” Samuels ayaa sidaas u sheegay warbaahinta MPR.

Labada tartamayaal Samuels iyo Ilhaan Cumar ayaa khudbado kala duwan kula hadlay taageerayaashoodii ku sugnaa dugsiga sare ee South High ee Minneapolis.

Samuels ayaa helay 85 cod halka xildhibaan Ilhaan Cumar ay heshay 133 cod. Samuels ayaa wacad ku maray inuu ku sii jiri doono tartanka, kaasoo noqon doona mid si dhow isha loogu hayo marka ay noqoto tartanka xisbiga Dimuqraadiga ee dalka oo dhan.

Xigasho: BBC

Source link