Dowlada Masar oo qaadatay go’aan culus oo lama filaan iyo dharbaaxo ku noqday Israel

Posted on

Masar ayaa si lama filaan ah u sheegtay inay si rasmi ah ugu biiri doonto dacwadda ka dhanka ah Israa’iil ee Koonfur Afrika ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka gaysanayso Qasa iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Waxay noqonaysaa Qaahira dalkii labaad ee islaam ah oo dacwadan ku biira, kaddib Turkiga oo isagana dhawaan sheegay inuu ku biirayo.

Ku biiritaanka Masar ee dacwadan, Alon Liel oo ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, ayaa u sheegay Al Jazeera inay “Dharbaaxo diblomaasiyadeed oo aan la rumaysan karin ku tahay Israa’iil. Masar waa albaabka joogitaanka Bariga Dhexe,” ayuu yiri

Waxaa uu intaa ku daray “Xiriirka ay maanta Israa’iil ku leedahay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan Jordan, Imaaraadka iyo Morocco, dhammaantood waa natiijo ka dhalatay wixii Masar ay samaysay 40 sanno ka hor, Tani waa waxa aan ka digaynay, waxay ka imanaysaa dhowr jiho. Israa’iil waa in ay dhegaysato adduunka – ma aha oo kaliya inay u dhega nuglaato rayiga dadweynaha Israa’iil oo weydiisanaya hadda aargoosi.”

Source link