Muxuu Wasiir Fiqi kala hadlay danjire Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi? (Sawirro)

Posted on

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho,  Safiirka Dowladda Qatar ee walaalaha aan nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Intii lagu guda-jiray booqashada waxaa lagaga hadlay qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay xiriirka labo geesoodka ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo dadaallada iskaashi ee labada dal, iyo sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya himillooyinka ay wadaagaan ee ah hiigsiga horumar iyo barwaaqo.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carabta ee mashaariicda horumarinta iyo kuwa gargaarka ka wada qeybo ka mid ah Somalia.

Source link