Ciidamada Booliiska oo saakay qabtay kooxo dhibaato ka waday Muqdisho (Sawirro)

Posted on

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ka howlgala ayaa saakay gacanta ku dhigay labo nin oo burcad ah iyo mooto ay wateen, kuwaa oo dhac ka geesanayay qeybo kamid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Burcadan ciidamada qabteen ayaa la sheegay in ay wateen tooreeyo ay dadka ku baaranayeen, waxaana xogta kooxdan burcada ah booliiska la waadagay qaar kamid ah dadka deegaanka ay dhibaateeyeen.

Ciidamada booliiska oo si deg deg ah u howlgalay ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan labadan nin ee burcada ah, waxaana raggan iyo agabkii ay wateen loo kaxeeyay sadhigga booliiska degmada Waabhari.

Kooxaha burcada ah ee wata mootooyinka ee dadka shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta  ayaa muddooyinkan kusoo badanaya Muqdisho, ciidamada ammaanka ayaan dhankooda sameeya tallaabooyin ay kusoo qabanayaan burcada.

Shalay ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamada booliiska ugu qabteen degmada Hiliwaa labo nin oo iyana burcad ahaa, kuwaa oo dad shacab ah moobeelo uga dhacayay xaafado katirsan degmada Hiliwaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link