Puntland oo Dalalkooda ku celineysa xubno Ajaaniib ah oo katirsanaa Daacish (Sawirro)

Posted on




Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka Puntland ayaa xorriyadoodii u celisey lix eedaysane oo ajaanib ah, kuwaas oo u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko, horeyna uga tirsanaa kooxda Daacish.

Ajaanibta xoriyadooda la siiyey dibna loogu celinayo dalkooda ayaa lagu wareejiyey wasaaradda Caddaaladda Puntland si loogu diro dalkoodii, waxaana xubnahan la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Daacish.

Sidoo kale maxkamaddu waxay xorriyadoodii siisay 6 dhallinyaro ah oo aan gaarin da’da qaan-gaarka. Dhalinyaradaan ayaa iyagana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda, si loogu sameeyo dhaqancelin oo looga tirtiro xagjirnimada.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sidda iyo dambiyada culus ee dowladda Puntland G\sare Cabdifatax Xaaji Aadan ayaa sheegay in ajaanibtaan ay isku soo dhiibeen dawladda kadib markii ay kasoo baxsadeen kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link