Dhismihii Ergada Joogtada Liibiya ee QM oo albaabada loo laabtay iyo sababta keentay

Posted on




Ergayga joogtada ee Dowladda Liibiya u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Daahir Al-Suni , ayaa sheegay in Dhismihii ay deganaayeen loo xiray, sababo la xiriira Kharajka Kiradii Dhismaha oo aan la bixinin.

Qoraal uu Ergaygu u diray Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya, C/Xamiid Al-Dubaybat ( عبد الحميد الدبيبة) ayuu ku xusay in Dhismaha Ergada Jogtada Liibiya ee magaalladda New York la xiray bishan May 1-dii, isla markaana ay joogsatay Hawlihii Ergada Liibiya ee Dhismahaasi .

Waxa uu arrintaasi sabab ugu dhigay Dhaqaale xumi yo wareejin La’aanta Qoondadii Maaliyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya bixin jirtay, iyadoo Daymaha isbiirsaday kor u dhaaftay 2 milyan oo Dollar.

Ergayga Jogtada ee dalka Liibiya u jooga Xarunta QM ee New York waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku xusay inaysan Dibloomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Dhismaha Ergadooda wax Xuquuq Mushaar ah helin muddo 6 bilood ah.

Docda kale, Ergayga joogtada ee Dowladda Liibiya u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee New York, Daahir Al-Suni, waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya inay si degdeg ah u bixiyaan Daynta kor u dhaaftay 2 milyan oo Dollar, lana hagaajiyo Nidaamka Qoondada Maaliyadeed ee Ergada Dibloomaasiyiinta ka hawlgasha Dhismaha Ergada Joogtada Liibiya ee haatan u xiran Kharaj lagu yeeshay.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link