Booliiska UK oo xabsiga ku guray dad is-hortaag ku sameeyay Tarxiilka Muhaajiriinta

Posted on

Ciidamada booliiska dalka Ingiriiska ayaa xabsiga ku guray dad badan oo is-hortaag ku sameeyay in la tarxiilo dad muhaajiriin sharcidarro ku joogay dalka Ingiriiska, xilli booliiska galeen goob ay dadkaasi joogeen ayna doonayeen in ay soo qab qabtaan.

Dad isu-soo baxyo ka sameeyey barxadda hore ee Hotel ku yaalla Koonfurta London, iyaga oo xilligaas doonayey inay joojiyaan bas ay saarnaayeen dad magangelyo doon ah, waxa ayna dadkan banjariyeen taayarada basaska iyaga oo sidoo kale isku hareereeyay.

Ciidamada booliiska ayaana xabsiga dhigay dad ka badan 40-qof oo is-hortaagay in la tarxiilo dadka magangelyo doonka ahaa ee la tarxiilayay, waxa ayna booliiska dadkan ku eedeeyeen in ay rabsho sameeyeen.

Dadka dibad-baxa dhigayay ayaa sidoo kale dhagxaan iyo walxo kale la dhacay ciidamo katirsan booliiska kuwaa oo dhaawacyo gaareen, waxa yan booliiska dadka ay xireen ku eedeeyeen in ay xanibeen isku socodka ayna rabsho abuureen.

Dowladda Ingriiska ayaa bilowday in dalka Rwanda u tarxiisho dadka magangalyo doonka ah ee sida sharcidarada ah ku galay dalka Ingiriiska, waxa ayna dowladda dooneysaa in dadkan si qasab ah u tarxiisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link