Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay saddex nin oo ku eedeysan fal dil ah

Posted on

Taliska Booliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta Ku soo Dhigay Edeysanayaal horay Dil ugu Geystay Marxuum Cabdullahi Cabdi Isaaq oo 18 Jir  Arday Ahaa  Kuwaas Oo In Mudda ah Lagu Raad-Joogay

Eedeeysanayaasha ayaa ka koobnaa illaa Saddax xubnood oo kala ah.

1- CABDI AXMED CADOW  (Maleeshiyo).

2- AXMED MAXAMED RAAGE (Qataatow) Askari XDS

3- FARXAAN AADAN NUUR (Maleeshiyo)

Waxey ku eedeysan yihiin dil ka dhacay  taariikhdu markey ahayd 10-APRIL-2024, Abbaaro 11:45PM, habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka Garasbaaley halkaasoo xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa.

Ciidanka Booliiska G/banaadir oo hawl- gallo kala duwan sameeyey ayaa waxaa u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa, waxaana Saacadaha Soo Socda  La horgeyndoo Maxkamada  si loo Marsiiyo Cadaalada.

 

Source link