Booliiska oo qabtay Nin maanta Muqdisho ku dilay Xaaskiisi hore oo u heesay Saddex Wiil

Posted on




Ciidanka booliiska Soomaaliya qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan nin gacankudhiigle ahaa oo maanta dil araggax leh u geestay xaaskiisa hore oo u dhashay carruur.

Falkan dilka argagaxa leh ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in ninka dilka geestay iyo xaaskiisa hore uu soo kala dhax galay khilaaf xooggan oo sababay falkan dilka ah.

War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta ku dhigeen gacankudhiigle Maxamed Ismaaciil Maame oo 44-sanno jir ahaa, kaa oo maanta toorey ku dilay xaaskiisa hore oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Xuseen Cabdullaahi.

Ninka dilka geestay ayaa la sheegay in isaga uu dhaawac toorey isku geestay, waxa ayna ciianka booliiska ee gacanta ku dhigay ninkan geeyeen isbitaal halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Falkan dilka ah ayaa waxaa si weyn uga argagaxay dadka deegaanka uu falkan ka dhacay, waxaana la sheegay in ninka dilka geestay xaaskiisa hore uu dilay ay u heesay saddex wiil, lamaanahan hore ayaana kala tagay kaddib khilaaf soo kala dhaxv galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link