QATAR oo ku dhowaaqday go’aan culus oo SUURIYA ah kadib ridistii Bashaar Al-Asad

Posted on

Doha (Allbanaadir) – Safaaradda Qatar ee Suuriya ayaa Talaadada maanta ah dib u billaabaysa howlaheeda shaqo, sida ay shaacisay dowladda Khaliijka Axaddii, iyadoo diblamaasiyiinteeda ay booqasho ku tageen dalkaas, ayna la kulmeen dowladda KMG ahayd kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad.

“Qatar waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay dib u bilaabayso shaqada safaaraddeeda dalka aan walaalaha nahay ee Suuriya oo bilaabanaysa Talaadada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda.

Waxa ay sidoo kale magacaawday madaxa cusub ee howlgalka Suuriya, Khalifa Abdullah Al Mahmoud Al-Shariif.

Doha ayaa xirtay safaaradii ay ku lahayd Dimishiq, waxayna u yeertay safiirkeedii bishii July 2011, horaantii kacdoonka lagaga soo horjeeday xukuumadda Asad oo isu bedelay dagaal sokeeye.

Si ka duwan dalalka kale ee Carabta, Qatar marna dib uma soo celin xiriirkii diblomaasiyadeed ee Suuriya intii uu xukunka hayay Asad, kaas oo xukunka looga tuuray 11 maalmood kadib markii jabhadaha mucaaradka ay weerar culus ku qaadeen magaalooyinka waa weyn kadibna caasimadda Dimishiq.

Doha ayaa sheegtay in soo laabashada kadib 13 sano oo hakad ah ay tahay “muujinta mabda’a ay Dowladda Qatar ay ku garab taagan tahay kacdoonka shacabka Suuriya” iyo sidoo kale “diidmada qayaxan ee dhammaan siyaasadaha cadaadiska ee nidaamkii” Asad.

Mar sii horreysay, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Majed al-Ansari ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Qatar in wafdi ka socda Qatar ay ku sugan yihiin Suuriya ayna la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah.

Waftiga “waxay u yimaadeen Dimishiq si ay u dhamaystiraan hannaanka lagama maarmaanka u ah furitaanka safaaradda Qatar,”, ayuu yiri Ansari.

Kulamadooda, “Wafdigu waxay dib u xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda shacabka Suuriya…ka dib guushii kacdoonkooda,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ansari ayaa sheegay in wafdiga Qatar ay sidoo kale “kala hadleen dhinaca Suuriya sidii loo fududeyn lahaa qulqulka gargaarka bini’aadanimo ee Qatar, waxayna qiimeeyeen baahiyaha walaalaha Suuriya inta lagu jiro marxaladan muhiimka ah”.

Toddobaadkan, sarkaal Qatari ah ayaa sheegay in Qatar “ay la aas-aastay marinkii ugu horreeyay ee xiriir” kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ee hormuudka ka ahayd riditaankii dowladdii hore.

Sarkaalka, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa intaas ku daray “in diiradda xiriirka HTS iyo kuwa kale uu yahay baahida loo qabo in la ilaaliyo xasiloonida iyo hay’adaha dawliga ah ee Suuriya inta lagu jiro xilliga kala guurka”.

Dawlado kale oo kasoo horjeeday taliska Asad oo ay ku jiraan Turkiga iyo Maraykanka ayaa iyaguna sheegay inay xiriir la sameeyeen Hayat Tahrir al-Sham.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *