FALCELIN xooggan oo ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday DENI

Posted on

Garoowe (Allbanaadir) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aan maanta kasoo baxay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo sheegay in ka maamul ahaan ay soo daabacanayaan lacago cusub.

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bilowday qorshe gaar u ah oo ay ku sameysaneyso lacag cusub , taas oo uu tilmaamay inay la jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale xusay inay u dhaqmi doonaan sida waddamada kale ee leh nidaamka federaalka oo uu tilmaamay in qaarkood ay leeyihiin lacago u gooni ah.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Haddaba sidee looga falceliyay?

Axmed Jadiid “Weliba Puntino Shilinove aan u bixino Talyaani Talyaani camal oo Dowladda Federaalka iyo Midowga Africa aan u goyno meesha ay ka sugayaan Shilin Somali, sidaas ayaan qabaa”.

Maxamed Laba Suulle ” Timir tii horaaba dab-loo waa Adeer lacag aad adigu shaatigaaga ka tolatay cidna marabto”

Jaamac Maxamuud “Caqliga oranaya maamul goboleedku lacag u gaar ah haduu yeesho wuxuu ka baxay xayndaabkii federalka waa caqli aan saliim ahayn”

Geedi Xaaji “Keligay baa dhawr mar is weydiiyey, hadi DF wax dhaqaajin weydey in lacag PL u gaar ah la sameeyo”.

Cabdishakuur Bashka “Madaxwayne fashil ayaa tahay waxaasna socon mayaan ee wax soconaya dadka ula imoow”

Maxamed Aar “Puntland iyo Somaliland iyadoon nidaam iyo maamul toonna ka jirin bay dawlado ahaayeen mana usii dabranaan karno rajo dawlad Xamar ka dhalata”.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *