Muqdisho (Allbanaadir) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa isaga oo aan weli xilka la wareegin maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta shaqada culus ee loo igmaaday.
Amiir ayaa maanta booqasho ku tegay halka uu ku shaqeyn doono, gaar ahaan Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiyaha xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Ujeedka guddoomiyaha cusub ayaa ahaa kormeer uu ku sameynayay xafiisyada dowladda hoose ee Xamar, si uu u qiimeeyo shaqada ka socota halkaasi
Sidoo kale wuxuu booasho ku tegay xarumaha kala ah; Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka, Gurmadka Deg-Dega, Dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar.
Intaas kadib wuxuu warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha uu booqday iyo guddoomiye Madaale oo la filayo in maalmaha soo socdo uu wareejiyo xilka.
Tallaabadan waxaa ka horreysay mid kale oo uu dhowaan qaaday Amiir, kadib markii isaga iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa la kulmeen xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso. Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda.
Amiir ayaa haweenka uu la kulmay la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido, oo ku aadan xal u helidda muranka ka taaan guriga hooyooyinka.