Puntland oo caalamka u dirtay dalab xasaasi ah kadib eedeyn u jeedisay DF

Posted on

Garoowe (Allbanaadir) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga hortimid tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda dhexe, iyadoo caalamka ka dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo cuna-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Cabdi Juxa ayaa ku dooday in khataro halis ah ay soo wajahday ammaanka Soomaaliya, kadib markii laga qaaday cuna-qabateynta hubka.

Sidoo kale wuxuu ku andacoodey in hubka la siiyo dowladda federaalka Soomaaliya loo adeegsaday khilaafyada siyaasiga, kuwaas oo uu sheegay inay salka ku hayaan dano shaqsi iyo mid siyaasadeed oo gaar ah.

“Runtii waa wax laga xumaado in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya la geeyo deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland, iyadoo la doonayo in lagu qal-qal geliyo dowlad nabad ah,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa fal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, oo aan ku habooneyn in lagu aamino hubkaas.”

Wasiirka ayaa waxa kale oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay si khaldan u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones-ka), kuwaas oo loogu tala-galay dagaalka Al-Shabaab

“Maamulka Puntland wuxuu ku baaqayaa in dib loo soo celiyo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si looga hortago dagaal sokeeye,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaa muuqata in Soomaalidu aysan xamili karin mas’uuliyadda ka dhalan karta qaadista cuna-qabateynta hubka.”



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *