Jubbaland oo Muqdisho usoo dirtay qeybtii labaad ciidamadii DF ee Raaskmabooni

Posted on

Kismaayo (Allbanaadir) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli ku howlan soo daabulidda ciidamadii ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Qaybtii labaad ee ciidamada dowladda ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Raaskambooni, waxayna kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,

“Dowladda Jubbaland ayaa maanta mar kale sagoontisay qeybtii labaad ee dhalinyaradii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Raas-kaambooni, iyadoo diyaarad loogu celiyey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland.

Ciidamada inta aysan soo bixin ayaa waxaasoo sagootiyay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidanka Xooggada dalka, waxaana Jubbaland ay sheegtay in lasoo khalday dhalinyaradan, sida ay ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay.

“Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa goobjoog ka ahaa sagoontinta dhalinyarada, kuwaas oo Xasan Sheekh uu ku soo khaladay deegaanka Raas-kaambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Deegaanka Raas-kaambooni ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid nabad ah”.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda u maamulayo ciidamada Jubbaland oo Arbacadii lasoo dhaafay dagaal ku galay magaalada Raaskambooni.

Si kastaba, waxaa jira ciidamo kale oo boqolaal ah, oo u baxay dhinaca dalka Kenya, kuwaas oo lagu wado in iyagana lagu soo celiyo magaalada Muqdisho.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *