DF oo xayiraad kusoo rogtay degmooyin ka tirsan GEDO

Posted on

Doolow (Allbanaadir) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay haatan xayiraad dhanka hawada ah kusoo rogtay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Amar la sheegay inuu kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoomada Doolow iyo Baardheere, halkaas oo ay kamid ah meelaha laga dareemayo dhaq-dhaaqyada u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarkan toos loola wadaagay shirkadaha duulimaadyada oo laga mamnuucay inay diyaaradahooda ka dagaan halkaasi.

Sida ay ogaatay Allbanaadir, sababta ugu wayn ayaa ah in dowladda ay rabto inay ka hortegto dhaqaqaaqa Jubbaland ay ka wado degmooyinkaasi, kuwaas oo ay hoggaaminayaan madaxweyne ku xuigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga maamulkaasi oo haatan ku sugan degmada Doolow.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa haatan si weyn isku hayo, waxaana hadda xiisadda ay u weecatay gobolka Gedo oo ay ku hardamayaal labada dhinac.

Si kastaba, ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkan ayaa isku fidinayo degmooyin horleh, waxaana kamid ah Baardheere, Garabahaarey, Beledxaawo iyo deegaano kale.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *