Muqdisho (Allbanaadir) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay Munaasabadda xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska ciidanka Booliiska Soomaaliyad ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay go’aankiisa ah in uu dalka uu gaarsiiyo qoorashooyin qof iyo cod ah, isaga oo faray Booliska in ay u diyaar garoobaan.
“56 sano kadib dalka doorasho way ka dhaceysaa, ciidanka Booliisku ha isku diyaariyaano nabad gelyada muwaadiniinta codbixiyaasha ah.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukunka loo soo celinayo dadweynaha, iyagana ay soo dooran doonaan hoggaankooda.
“Umadda waxaan ka balan qaadnay inuusan xukumin qof aysan dooran, mudo dheer kadib xukunku wuxuu kusoo laabanaa gacanta muwaadinka” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay xiisad xoogan ka taagan tahay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka oo ay dood ka keeneen maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.
Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa haatan wadda qorsho ay ku dooneyso in dalka ay ku gaarsiiyo qof iyo cod, waxaana baarlamaanka uu isna qaaday tallaabooyin muhiim ah.