Sawirro: Dadweyne careysan oo isugu soo baxay Kismaayo, dalbadeyna inuu is-casilo…

Posted on

Kismaayo (Allbanaadir) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta isugu soo baxay boqlaal dadweyne ah oo dhigay dibad-bax ay uga soo horjeedaan dowladda federaalka ah oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Jubbaland.

Shacabka ayaa ka cabanayay go’aannada dowladda, gaar ahaan tallaabooyinka ugu dambeeyay ee ay qaaday, sida xayiraadda la saaray magaalada Kismaayo oo saameyn xoogan ku yeelatay dadka deegaanka, sida ay u sheegeen warbaahinta.

Sidoo kale waxa ay dibad-baxayaash ku qaylinayeen erayo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu isku wadi waayay dalka.

Mid kamid ah dibad-baxayaasha oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu is-casilo, una turo dadka iyo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waa fashilmay arrintii loo dhiibayne, kama soo bixin, Soomaali waa isku sii diray dowladdii ayuu baabi’iyay ee ha’is casilo” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dibad-baxaan oo ay soo abaabushay Jubbaland ayaa daba socda go’aankii golaha wasiirada maamulkaas oo Khamiistii ku dhowaaqay in Jubbaland ay madax banaan oo gooni ah ula macaamileyso dalalka caalamka.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *