Muqdisho (Allbanaadir) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safar uu galabta madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ku gaaray dalka Itoobiya, kaas oo ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen.
Villa Soomaaliya oo goor sii horreysay ka warbixisay ujeedada safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in magaalada Addis Ababa uu u tegay wada-hadalka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, si loo sii amba qaado heshiiskii labada dowladdood ee Ankara.
“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tegay Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.
Haddaba sidee looga fal-celiyay?
Aamina Maxamed “Madaxweynow waji malihid ninkii aa shalay na dhaheysay waa cadaw Soomaaliyed baad galabta u tagesaa koley wax kasta waan kaa filan Karnaaye bal islaali”.
Cabdirisaaq Xaashi “Xassanow meel laguu raaco lama yaqaan ee adeer Bahashaan adaa xariga hayee halkaa doonto u jiid”.
Siyaad Maxamed Dool ““Itoobiya waa cadow Argagixisada ka daran” MW Xassan Sheikh ayaa horey u yiri”.
Cabdiweli Daacad ” Madaxweynuhu isagu waa meeqo qof aniga waan yaaabaye!? Shalay isagaa nalahaa itoobiya waa cadaw,maantana isla isaga ina dhihi doona waa walaal”
Cawil Xaashi “Socdaal diblumaasiyadeed ? Ma socdaal shaqo mise diblumaasiyadeed ? Waxaa muuqata in lagu farbaranaayo mareegtii Villa Somalia”.
Ayuub Cabdi “Tagitaanka Ethiopia madaxweyne kuuga raacsani”
Kuulow Yuusuf ” Kii shalay oo Itoobiya maxaad usoo qori wayseen? Fulay xantiisa ma moogo walee”.