Addis Ababa (Allbanaadir) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay magaalada Kampala ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Madaxweyne Xasan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo uu wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doono magaalada caasimad ah ee Addis Ababa.
Vill Soomaaliya oo goor sii horeysay qoraal soo saartay ayaa sheegtay in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiska Ankara.
“Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe.
Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya.
Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.