Muqdisho (Allbanaadir) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kusii jeedo magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Allbanaadir u sheegay in madaxweynaha uu isku mari doono dalalka Uganda iyo Itoobiya, isla markaana safarkiisa uu qaadan doono hal maalin.
Sida aan xogta ku helnay madaxweynuhu wuxuu casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay wad-ahadallo xasaasi ah ku yeelan doonaan magaalada caasimad ah ee Addis Ababa.
Xogta ayaa sidoo kale ku warrameysa in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiska Ankara.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe.
Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya.
Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiisku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.