Addis Ababa (Allbanaadir) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu gaaray shalay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta leh wada-hadallo dheeri ah oo ay uga arrinsanayaan iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta heshiiskii Ankara.
Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa sidoo kale booqan doona goobaha taariikhiga ah ee Itoobiya.
Xasan iyo Abiy oo shalay yeeshay wejiga koowaad ee wada-hadallada ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.
“Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.
Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada-shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.
Labada masuul ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal, kadib muddo sanad ah oo lumay xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa.