Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo DIGNIIN u diray ganacsato arrin halis ah kala shaqeysa madaxda DF

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan.

Warkaan oo si wadajir ah ay u soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ganacsatada uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkaan oo dhameystiran:

DIGNIIN KU SOCOTA GANACSATADA DHULKA DANTA GUUD LAGA IIBIYO:

Waxaa xawli ku socda xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda, waxaa joogto noqday barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyadoo dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin.

Waxaa si bareer ah loo jebiyey godobbo dastuuri ah iyo dhammaan sharciyada la xariiray bixinta, iibinta, bedelidda dabeecadda hantida danta guud, waxaana qodobbadaas ka mid ah;

Qodobka 26aad iyo qodobka 43aad ee dastuurka oo qeexaya mabaadiida guud oo ay tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo siyaadaha quseeya dhulka iyo hantida guud, farayana xukuumadda dejinta siyaasad qaran ee hantida guud.

Qodobbada 50aad, 51-aad ee sharciga maareynta maaliyadda guud Sharci Lr.

17, December 2019 ee qeexaya hantida danta guud.

  • Qodobbada 87aad, 681 (3)aad, 723 (l)aad, 730aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed Xeer Lr. 37, 1973 ee xeerinaya hantida guud iyo badelidda dabeecada hantida danta guud.
  • Qodobka 6aad ee Xeer Ir 41 soo baxay 13 September 1973 (Urban Land Distribution) oo mamnuucaya iibinta iyo wareejinta hantida danta guud iyadoo xeer gaar ah uusan jirin.

Waxaa kaloo si bareer ah loo hareer maray;

• U sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.

  • Dammaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta.
  • Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan.
  • Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • Xadeynta dhulka qof ama shirkadi yeelan karaan.
  • Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.

Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan;

  1. In milkiyadda hanti aan lagu heli karin qof saxiixiis ee dastuur iyo sharci lagu hantiyo.
  2. In sifo sharci ah oo keli ah lagu milki karo dhulka dowladda, diiwaanka danta guudna looga saari karo.
  3. In cid kasta oo hanti qaran sifo sharci darri ah looga iibiyey, hibeeyey, qaanbaxay, ama lagu laaluushay ogaato, waxay haysataa waa BOOLI QARAN.
  4. In qof waliba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.
  5. Shariif Sheekh Ahmed
  6. Xasan Cali Khayre
  7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *