Hargeysa (Allbanaadir) – Waxaa mar kale magaalada Hargeysa lagu xiray Naciima Abwaan Axmed Qorane, taas oo Ciidanka Sirdoonka Somaliland ay maanta ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Naciimo Qorane oo la shaqey jirtay kooxdii Nabad iyo Nolo lee Madaxweyne Farmaajo, isla markaana Aabaheed Abwaan Axmed Qorane uu yahay Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa galabta gelinkii dambe ka degtay Hargeysa, waxaana loo xiray si degdeg ah.
Ma jiro war ka soo baxay Ciidamada Ammaanka Somaliland oo ku saabsan xarigga Naciima Qorane, balse ilo wareedyo kala duwan ayaa xarigga gabadhaan u xaqiijiyey Allbanaadir.
Markii ay garoonka ka qabteen Ciidanka Sirdoonka Somaliland waxaa la sheegay in Hooyadeed ay la socotay, kadib markii ay kasoo celisay isbitaal dalka dibeddiisa ay ugu qaaday.
Sidoo kale, Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaan weli ka hadlin xarigga Naciima Abwaan Qorane oo kamid ah dhalinyarada hal abuurka leh ee taageera wadajirka Soomaaliya.
Markii laga soo tago in Naciima ka mid ahayd taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay sidoo kale baraha bulshada uga ololeysaa inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxayna si cad u diidaa gooni isku taagga Somaliland.
Sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale loogu xiray magaalada Hargeysa, iyadoo Maxkamadda Somaliland ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, balse markii dambe Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa cafis ku sii daayey.
Markii uu talada Somaliland ku guuleystay Cabdiraxmaan Cirro, waxaa lagu rajo weynaa in meesha ay ka bixi doonto caburintii bulshada ee Somaliland ka jirtay, balse xarigga Naciima Qorane wuxuu muujinayaa in weli ay socoto oo Cirro uusan waxa ka bedelin nidaamkii hore.