Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur, kana hadlay mowqifkiisa doorasho qof iyo cod ah

Posted on

Dhuusamareeb (Allbanaadir) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ka hadlay doorashooyinka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka bilaaba doonto bilo kadib.

Qoor Qoor ayaa toos ugu jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo munaasabad Book Feer ah oo Dhuusamareeb lagu qabtay ka sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan loo socon ee muddo kororsi ay ka dhex raadinayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada.

“Cabdiraxmaan waxaan leeyahay jawaabtaadu waa fududahay, doorasho ma dhaceyso ayaa tiri, ana waxaan ku leeyahay doorasho waa dhaceysaa, waxaana ka mid tahay dadka bulshada la hadla, waxaa kuu fiican doorashada dadweynaya ee kuuma fiicna ‘mida suuqa madow ah’ ee aad jeceshahay in lagu laabto, marka soo diyaar garow,” ayuu yiri Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur.

Qoor Qoor ayaa ku faanay in markii uu ka baxo Dhuusamareeb uu safro in ka badan 700 KM oo safar dhulka ah, intaas oo amni iyo kala dambeyn ay ka jirto, isla markaana ay dadkiisu u diyaarsan yihiin inay galaan doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay in doorashooyinkii lasoo maray ay ahaayeen kuwo halis iyo dib u dhac badan oo dib aan loogu noqo karin.

Sidoo kale Qoor Qoor wuxuu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada, isagoo sheegay in kooxaha argagixisada ah ay hurinayaan dagaaladaas, isla markaana ay yihiin wax aad looga xumaado.

Abaaraha dalka ka jira ayuu sidoo kale ka hadlay Qoor Qoor, wuxuuna codsaday in reer Galmudug ay iska caawiyaan sidii abaartaan looga samata bixin lahaa bulshada ay saameysay.

 

 



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *