Boosaaso (Allbanaadir) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalkii ay maanta ciidamada maamulkaas la galeen kooxda Daacish.
Ugu horreyn Saciid Deni ayaa isbitaalkaBoosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii maanta oo yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Daacish ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland.
Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay xubnobadna oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsanaa Daacish.
Dhinaca kale madaxweyne Saciid Deni oo wareegto soo saarya ayaa magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doono garab istaaga askarta ay waxyeelo soo gaarto, si looga war qabo iyaga iyo qoysaskooda.
Hoos ka akhirso:-
Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland
Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.
Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –
- Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
- Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur
- Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle
- Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)
- La-taliye Axmed Cabdi Hurre
- Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid.
- Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle.
Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis.
Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday.
Fulin wacan,
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
-DHAMMAAD-