Goorta ay soo baxeyso natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay.

Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya.

Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto.

“Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii Alle idmo,” ayuu yiri agaasime Carabey.

Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa horumar iyo barwaaqo insha Allaah, dhanka macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray.”

Horraantii sanadkan 2024 ayay aheyd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kadibna lasoo bixin doono, sida uu dhigayo heshiiskaan.

Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis oo sanadkaan soo gaaray dekedda Muqdisho, ayaa u ruqaansaday goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko qeyraadka la qorsheynayo in lasoo bixiyo



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *