Falagle: Ceel Baraf waxaa kasoo jeeda Shariif oo la ogahay cadaawadda uu u hayo DF

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Galmudug,  Mudane Axmed Shire Falagle ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka socda gobollada dhexe iyo dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu horreyn Falagle oo soo hadal qaaday askartii lagu laayay Ceel Baraf ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado, wuxuuna intaasi ku daray in colaadahan sokeeye la abaabulayo.

Wasiir hore Axmed Shire Falagle ayaa ku hadal qabsaday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif oo kasoo jeeda Ceel Baraf, wuxuuna sheegay in Shariifka uu kamid yahay xubnaha siyaasiyiinta ah ee sida wayn u diidan habka ay wax u wado dowladda.

“Ceel Baraf waxaa daga madaxweyne Sheekh Shariif oo aad ogtahay cadaawadda uu hayo dowladda federaalka oo aad isugu dayo isaga iyo kooxdiisa inay farageliyaan Xamar nabad-gelyadeeda” ayuu ku yiri wareysi gaar ah oo uu  siiyay Idaacadda Rirsaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Xittaa haddii uusan lug lahayn wixii ka dhacay tuuladaas waa saameyneysaa, maadaama ay degtso jufadiisa hoose”.

Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dagaallada kasoo cusboonaaday meelo kala duwan oo kamid ah dalka, gaar ahaan gobollada dhexe ay hurinayaan dad siyaasiyiin ah iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga dhex faa’iidestaan.

“Hurinta dagaal beeleedyadan waa siyaasad is haysato iyo cadowga Khawaarijta waana mid weelba ka jirto” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta maamul goboleedka Galmudug.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda colaado sokeeye oo ka qarxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka, kuwaas oo saameyn toos ah mid togan ku yeeshay dadka shacabka ah.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *