R/W Xamza oo kulan xasaasi ah la qaatay guddiga doorashooyinka + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay guddigan oo shaqadooda lagu muran yahay, kadib markii madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka diideen sida wax u socdaan.

Xamza ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl-galo hirgalinta doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

Guddigan ayaa horey u shaaciyay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025.

Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan, halka bisha November ay qaban doonaa tan baarlamaanada maamul goboleedyada iyo madaxdooda, taas oo ku dhaceysa qof iyo cod.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay jirto dooda siyaasiyiinta qaarkood ee ku aadan in xaaladda dalku ku sugan yahay aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah, iyada oo xiriirka ka dhaxeeya maamulada qaar sida Puntland iyo Jubaland iyo dowladda federaalka aanu wanaagsaneyn.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *