Kismaayo (Allbanaadir) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda maamulkaas oo xalay howlgal ka sameeyay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu diyaariyay xaafadda Farjanno, balse waxaa fashiliyay ciidanka amniga, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Jubaland.
“Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacabka reer Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adaha amniga Jubbaland.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in fashilinta qaraxa ay ka qayb qaateen dadka deegaanka, kadib markii ay soo wargeliyeen hay’adaha amniga oo sameeyay howlgal.
“Miinadan sawirkeedu hoos idiinka muuqdo ayay ciidanku ku qabteen xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo kadib markey shacabka xaafadaasi ku wargeliyeen laamaha amniga.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Kismaayo ayaa waxaa badanaa howlgallo ka sameeyay ciidamada amniga Jubbaland oo horay sidaan oo kale u fashliyay weeraro ay soo abaabuleen maleeshiyada Al-Shabaab.
Dhowaan ayay ahayd markii Kismaayo lagu qabtay nin hubeysan oo weerar bam-gacmeed ah ka gaystay gudaha magaaladaasi, kaas oo ay soo bandhigeen laamaha amniga.