Muqdisho (Allbanaadir) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.
Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan ayaa horey u dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed.
“Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”.
Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galay, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha Geeska Afrika.