Dhacdo naxdin leh: Gabar Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Sweden

Posted on

Stocholm (Allbanaadir) – Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nimco Bashiir Daa’uud oo 28 jir ah ayaa lagu dilay dalka Sweden, xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm.

Saaxiibteed ay aad isugu dhawaayeen oo lagu magacaabo Saynab Xasan, ayaa sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay, xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay.

“Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso”, ayey tiri Seynab oo ka warbixisay dilka saaxiibteed Nimco.

Seynab ayaa intaas ku sii dartay, “Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna.”

Seynab sidoo kale sheegtay in saaxiibadeed Nimco ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas, maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah, waxay Nimco iigu jawaabtay “Wadadaan ayaa ii fudud oo xaafadda u dhow”.

Waxay intaas ku sii dartay “intii aan la hadlaayey waxa aan maqlay buuq iyo qaylo aad u sareysay waxaan iri halow halow, kadibna shanqar oo dhan ayaan waayay oo Nimco wey aamustay.”

Hibo Daa’uud oo ah walaasha ka yar Nimco, ayaa tiri “Ma ahayn walaashay oo keliya, waxay ahayd saaxiibtayda aan qoyska isugu dhownahay.”

Booliska ayaa sheegay inay qabteen qof looga shakisan yahay dilka Nimco, Ninka loo xiray dilka Nimco ayaa la sheegay in uu yahay nin 38 jir ah.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *