Xukun dil ah oo goordhaw lagu fuliyay ragii dilay Macalin Dugsi iyo walaalkii oo dhaqtar ahaa (Sawirro)

Posted on




Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa goordhaw xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay in ay si bareer ah dil ugu geesteen macalin dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo isna dhatar ahaa.

Raggan xukun dilka ah lagu fuliyay oo lagu kala magacaabo Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile Cabdullahi Xasan ayaa si bareer ah deegaanka Ilix  ugu dilay Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo walaalo ah.

Gacankudhiiglayaasha ayaana dilka kaddib iyaga oo baxsad ahaa laga soo qabtay gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana lagu soo wareejiyay maxkamadda gobolka Galgaduud oo ugu dambeyn raggan xukun dil ah ku fulisay.

Aabaha iyo ehelada kale ee labada wiil ee walaalaha ee horey loo dilay ayaa maxkamadda gobolka Galgaduud ka dalbaday in ragga dilka u geestay wiilashooda loo qisaaso laguna fuliyo xukun dil ah.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukunno kala duwan oo dil ah ku fulisay dhowr qof oo lagu helay in ay geesteen dilal bareer ah, kuwaa oo intooda badan lagu toogtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link