Xogta shir xasaasi ah oo qeyb ka tahay NISA oo ka qabsoomay MUQDISHO

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Shirka amniga caasimada ayaa ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimada oo bilihii dambe aad u wanaagsanaa.

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliska NISA uu metelayay taliye Muhiyadiin Warbac, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siaasadda gobolka iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho.

Warbixin la xariirta dhinaca amniga ayaa waxaa shirka looga dhageystay hay’addaha kala duwan ee amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay saraakiisha laamaha amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta iyo xoojinta amniga caasimada, oo waayihii dambe ka nasatay falalkii argagixisada ka geysan jireen, kuwaasi oo ay ku bixi jireen tobanaan iyo boqolaal shacabka magaalada.










Source link