Xogta sababta uu Ismaaciil Cumar Geelle u casuumay hoggaamiyaha Khaatumo

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) – Waxaa ku sugan caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubno maamulkiisa ka tirsan. Booqashadan ayaa lagu sheegay mid shaqo, waana tii ugu horreysay ee hogaamiyahan ku tago Jabuuti tan iyo markii uu qarxay dagaalka gobolka Sool bilowga sanad kii hore ee 2023.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubnaha la socda waxay kula kulmeen qasriga madaxtooyada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta nabadgalyada Geeska Afrika.

Firdhiye ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Jabuuti xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan maamul dhisidda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay dagaallada.

Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa sheegay in booqashadani uga dhigan tahay guulweyn.

“Maamulka SSC-Khaatumo in ay Jabuuti martiqaaddo oo uu casuumaad rasmiya helo, hogaanka sare waxay nooga dhigan tahay horumarka aan ka sameynayno dawlad dhiska iyo in ay muuqato awoodda aan ku leenahay geeska afrika, oo aan ku sameynayno in qiblada siyaasadeed ee horukaca geeska, aynu ku yeelanay minbar fiican iyo talaabo fiican oo aan soo gaarnay,’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadda sheegaya in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto, dawlad dhiska deegaannada ay maamulaan, si la mid ah taageerada Jabuuti ku garab taagan tahay Soomaaliya inteeda kale ee lagu xoojinayo hay’adaha dawladda.

‘’Waxaa xoogaa laga yaabaa in dadku ay isha ku hayeen arrimaha dagaalladii laga soo baxayay, marka si uun nabadgalyo looga helo gobolka ayay had iyo gooraale, dawladda aan dariska nahay, waa dawlad ka shaqeyneysay dhismaha maamul ama dawladeed ee Soomaaliya, sidaa daraadeed maamulka SSC-Khaatumo oo kamid ah maamullada dawladda federaalka waxa ay lamid tahay dhismihii ay ku haysay maamullada kale,’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Maxaa iska badalay aragtida dadka qaar ee taageera SSC-Khaatumo ka qabeen Jabuuti?

Intii lagu jiray dagaalladii lagu hoobtay ee ka dhacay Laasacaanood sanad kii hore, waxa jiray dad taageerayay qadiyadda SSC oo ku eedeynayay Jabuuti in ay la safneyd Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Laakiin dooddaas dadka riixayay marna ma aysan soo bandhigin caddeyn ku saabsan eedeynta ay Jabuuti u jeediyay.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa ku jawaabay: ‘’eed gaar ah oo Jabuuti ay ku eedeysnayd burburinta iyo in ay qayb ka ahayd dagaalkii qoladan fallaagada ah, waxay iska ahayd aragti fadhi kudirirrada lagu buunbuuniyay, laakin wax eed ah oo SSC-Khaatumo toos ugu jeedisay dawladda Jabuuti ma jirin’’.

Xiriirka dhaw ee dhexmaraya Jabuuti iyo SSC-Khaatumo ayaa loo tiirinayaa isabadallada iyo kihilaafyada ka soo kordhay Geeska Afrika.

Barfasoor Maxamed Xuseen oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegaya in markii hore ay Jabuuti u arkaysay, Somaliland oo wadajirta in ay ku jirto danta gobolka, maadaama ay xuduud dheer oo bad iyo bari lehba wadaagan. Si taasi aanay uga caraysiin Muqdisho, waxay ku daadlaysay in la wadahadalsiiyo Somaliland iyo Dawladda Federaalka, wayna dhacday taasi.

Laakin wax kasta waxay isbadalleen markii heshiiska is af-garadka ah ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland billowgii sanadkan, sida uu qabo Barfasoor Maxamed Xuseen.

‘’Arintu waxay is badashay markii Somaliland heshiis la saxiixatay Itoobiya oo bad iyo saldhig milatari la siinayo, Jabuuti waxay u aragtay in taasi khatar weyn ku tahay amnigeeda qaran iyo kan badda casba, sidoo kalena uu dhaqaalaheeda dhaawac weyn ku yahay, sidaa daraadeed aragtidii ay ka qabtay Somaliland way isbadashay’’.

Wadaxaajoodyada maxabiista lagu kala qabsaday dagaalkii Laasacaanood

Wafdiga SSC-Khaatumo ee jooga Jabuuti waxa kale oo ay la kulmeen xoghaye ku xigeenka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Waare. Waxaana labada dhinac ka wadahadleen arinta maxaabiista.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xubnaha Khaatumo ay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin khilaafka SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

‘’Waxa kale oo aan ka wadahadalnay khilaafka Somaliland iyo Khaatumo, gaar ahaan maxaabiista dagaalka, daryeelkooda iyo badqabkooda, iyo kaalinta IGAD ka ciyaari karto sii deyntooda, isla wadahadalkaas waxaan la yeelan doonaa Somaliland marka ay suurtagal noqoto,’’ ayuu yiri xoghaye kuxigeenka guddiga fulinta ee IGAD.

Dhanka SSC-Khaatumo, waxay sheegeen “waxyaalaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa arimaha maxaabiista, arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyagoo gacanta dambiga iyo dhiigga kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan’’ ayuu yiri wasiir Najiib.

Wadahadal labada dhinac dhexmara ayay shardi uga dhigeen Khaatumo in Somaliland ogolaato in loo wadaxaajoodo labo maamul oo daris ah, nabadna ay qaataan.



Source link