Xogta kulan xasaasi ah oo Masar iyo Eritrea ay ka yeesheen arrinta Soomaaliya

Posted on

Asmara (Wararka Maanta) – Madaxa sirdoonka dalka Masar iyo wasiirka Arimada Dibadda ee dalkaas ayaa safar ku tegay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, iyagoo madaxayne Afwerki gaarsiiyey farriin ay uga sideen Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Asisi, farriintaas ayaa ku saabsan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Abbas Kamel waa madaxa sirdoonka dalka Masar, safarka uu ku tegay Asmara waxaa ku wehliya wasiirka Arimaha Dibadda Badr Abdellati waxay madaxweynaha Eritrea gaarsiiyeen farriin ku saabsan xaalada ka taagan gobolka, waxayna Masar ka codsatay Eritrea inay labada dowladood ay wanaajiyaan xiriirkooda.

Saraakiisha Masar ee safarka ku tagtay Eritrea waxay Madaxweyne Afwerki kala hadleen arrimo ku saabsan waxa ka dhacaya Badda Cas, sidii ay Masar iyo Eritrea isaga kaashan lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mane Gebrekres ayaa qoraal uu ku soo daabacay bartiisa Twitter (X) wuxuu ku sheegay, in masuuliyiinta ka socday Masar ay kulan la qaateen madaxweyne Afwerki, isla markaana ay la yeesheen wadahadlo dhinacyo badan taabanayay oo laba geesood ahaa.

“Ka wada hadleen arrimo ay si wadajir ah walaac uga muujiyeen oo quseeya xaalka haatan iyo dhacdooyinka ka socda Sudan, Soomaaliya iyo Bad Cas” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea.

Masar oo war ka soo saartay safarka ay saraakiisha ka socotay ku tageen Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha Eritrea uu u sharaxay wafdiga xaalka haatan ka taagan gobolka Geeska Afrika iyo caqabadaha uu wajahayo gobolku oo arrinta amniga ay ugu horeyso.

Masar waxay sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay muhiim tahay in ay xoojiyaan iskaashigooda, in laga shaqeeyo xasiloonida Sudan iyo si guud loo ilaaliyo madax-banaanida dhuleed iyo xornimada Soomaaliya.

Booqashada saraakiisha sare ee Masar ku taheen Eritrea ayaa ku soo aadeysa xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena Masar ay qaaday talaabo ay ku garab istaageyso Soomaaliya, waxayna Masar ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, waxaana qorshaha Masar walaac ka muujisay dawladda Itoobiya.



Source link