Xogta kulan dhexmaray Wasiir Fiqi iyo Danjire Mohamed Bamba (Sawirro)

Posted on

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ammar Ahmed Abiikar.

Waxaa uu kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee salka adag ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo kor-u-qaadista is-fahan is-dhaafsiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado kahortagga caqabadaha labada dal ay wadaagaan.

Sidoo kale waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo la xiriira danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sidoo kale maanta ku qaabilay xafiiskiisa Agaasimaha guud ee xafiis goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya Danjire Mohamed Bamba M. Boba, isagoo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku-duwidda.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo ku suntan siyaasadda, amniga iyo xaaladaha bani’aadantinimo, iyada oo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada si wax ku ool ah si loola tacaalo caqabadaha kala duwan, loogana gudbo.

Source link