Muqdisho (Allbanaadir) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii nin watay toorey uu isku dhexe mindiyeeyay masaajid ku yaal agagaarka isgoyska Korontada.
Dhacdada oo ka dhacday Masjid lagu magacaabo Macallin Nuur ayaa argagax ku noqotay jamaacada masjidka iyo dadka deegaanka, taas oo dhacday xilli la geli rabay salaaddii duhur.
Ninka oo la sheegay in ka xanuunsanaa dhimirka ayaa isku soo xiray mid kamid musqulaha masjidka, kadibna wuxuu is geliyay mindi uu watay, waxaana sidaas soo gaaray dhaawac halis ah, sida uu sheegay qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo gacanta ku dhigay ninkaasi, kadibna geeyay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
“Xilli uu adinka salaadda duhur soo dhow yahay ayaa waxaa aragnay dhiig fara badan oo kasoo baxaya musqusha masjidka, mucjiso wayn ayay nala noqotay nin kaligiis musqul isku soo xiraayo, kadibna toorey is gelinaayo” ayuu yiri odey kamida jamaacada masjidka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mindida isaga ayaa watay booliska oo meesha yimid ayaana ka qaaday, kadibna isaga oo xaalad halis ah ku jiro ayaa la geeyay isbitaal”.
Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa kusoo badana Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii nin watay mindi uu xaaskiisa ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.