Al-Shabaab oo xalay Muqdisho ka sameysay arrin yaab leh oo argagax abuurtay

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Muqdisho ku xirtay miinooyin been abuur ah, taas oo jug culus laheyd.

Jugta miinooyinkan oo markii hore loo maleeyay qaraxyo xoog leh ayaa waxa uu booliska sheegay in kooxda ka laheyd argagax gelinta bulshada ku nool caasimada, oo waayihii dambe ka nastay qaraxyada kooxda.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska.

Miinadan ayaa lagu dhejiyay xarun ganacsi oo ku taalla degmada Daarusalaam, “Kooxaha khawaarijta ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Miinooyinkaas ayuu booliska sheegay in la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan.

Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas, sida uu sheegay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina taliska booliska ayaa ugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal-galinayo bulshada Soomaaliyeed.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *