XOGTA howlgal culus oo maanta lagu laayay Shabaab badan

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howl-gallo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogg dalka iyo saaxibada caalamiga ah oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood ayaa waxaa lagu Khaarijiyay 14 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii la duqeeyay, iyaga oo isku aruursanayay halkaasi.

Sidoo kale howlgalka labaad oo ka dhacay deegaanka Ceel Heelle ayaa waxaa isna lagu dilay 5 xubnood oo kale, halka lagu burburiyay gaadiid iyo saldhigyo kale.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Muqdisho, 4 September 2024: ku dhawaad 19 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Khawaarijta,  goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Khawaarij ah.

Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Khawaarijta ah.



Source link