Xildhibaannada K/Galbeed oo ka hadlay raali gelintii xildhibaanada Hawiye

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa aqbalay raali gelin uga timid xildhibaanada beelaha Hawiye, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo ka tirsan golaha shacabka ayaa u hadlay xildhibaanada reer Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkay ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo.

Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Shir jaraa’id oo galabta ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan.

“Warkeenna dad ayaa ka arkay fursad ay Soomaali ku kala fogeyn karaan, anagu Ethiopian ma taageerin, si buuxda ayaan u aqbalnay raalli galinta xildhibaanada matalayey dadka Banaadir,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jiley.

Jiley ayaa sheegay in 25-kii xildhibaan ee reer K/Galbeed ee hadlay uusan xanaf laheyn war-saxaafadeedkii ay jeediyeen, isla markaana ay ka hadleen dareenka shacabkooda, balse dowlad kale aysan u hiilin.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid Jiley ayaa sheegay in odayaashii hadlay, agaasimayaashii iyo guud ahaan bulshada gobolka Banaadir ay raali gelintooda ka qaateen, isla markaana ay diyaar u yihiin ka shaqeynta dowlad dhiska Soomaaliya.

“Bulshada reer K/Galbeed waxaan u sheegeynaa inaan ka wadashaqeyno wadajirka umadda iyo difaaca dalka, anagoo ku hadleyna afka reer K/Galbeed waxaan aqbalnay raali gelintii, idinkuna nala qaata, wanaaga iyo dowladnimada inaan ka wada shaqeyno ayaa noo balan ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdirashiid Jiley.

Hoos ka daawo



Source link