Xildhibaan ku qabsaday wasaarad ka tirsan DF dalbashada lacag yar + Jawaab

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxda sare ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hortegay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo la xisaabtan la yeeshay hoggaanka wasaaradda, si wax looga waydiiyo wax-qabadkooda.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo agaasimaha guud Dr. Guuleed Cabdijaliil, waxayna su’aallo uga jawaabeen guddiga ay hortageen ee labada gole.

Arrimaha wax laga waydiiyay waxaa kamid ah lacag $12 milyan ah oo loogu talagalay in lagu hormariyo machadka caafimaadka iyo waxa hortaagan iyo illaa iyo hadda.

Xildhibaan Cabdulqaadir oo kamid ah xubnaha kulanka ka qayb-galay ayaa su’aal ka keenay sababta ay wasaaradda caafimaadka uga faa’iideysan la’dahay fursadaha ay haysato, ayna ku dalban karto lacago badan, si loogu hormariyo adeegyada caafimaadka.

“Waxaa jirta in sanadkii hore lacag yar aad dalbateen maxaa sababay adinkoo lacagtaas mashruuca loogu talagalay sanad kasta lacag badan la dalban karo, ma kabaasigiina yar, macquul maahin in 2021 mashaariic soo bilaabatay illaa iyo hadda la dhaho lacag yar ayaa laga isticmaalaa? ayuu waydiiyay xildhibaan Cabdulqaadir oo kulanka ka qayb-galay.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Mudane Guuleed Cabdijaliil oo si faah-faahsan uga jawaabay su’aasha xildhibaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aanu gaabis jirin, isla markaana lacagahaasi ay qaar ka isticmaaleen, laguna fuliyay mashaariic muhiim ah, kuwa kalena ay soo socdaan.

“Gaabis la sheegi karo hadda ma jiro lacagaha loogu talagalay mashruuca lama wada isticmaalin, laakiin waxbaa laga isticmaalay, waxaana usoo gudbi karaa is xisaab ah oo dukuminti ah” ayuu ku jawaabay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Agaasime Guuleed ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan mashruuca Damal Caafimaad iyo sida looga faa’iideystay, kaas oo la gaarsiiyay gobollo badan.

“Mashruuca Damal Caafimaad wuxuu ka kooban yahay 4 qaybood lacagta loogu talagalay mashuuraca 75% waxay aadeysay adeeg bixin waxa soo haray waxay isugu jiraan lacago loogu talagalay in mashruuca dadka maamulaayo ay mushaaraad u noqdaan inta soo hartayne wasaaradda karaankeeda lagu dhiso” ayuu mar kale agaasime Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Si guud mashruucaan bilaabashadiisa daaha ku yimid ayaa waxaa dhana sameeyay”.



Source link