Daawo: Falanqeyn xasaasi ah DF oo 3 guul darro kala kulantay duulaankii Axmed Madoobe

Posted on

Nairobi (Allbanaadir) – Cabdullahi Cabdi Sheekh madaxii hore ee Idaacadda BBC Somali oo hadda ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in safarka Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi uu yahay duulaan ka dhan ah jiritaanka iyo madax-banaanida Soomaaliya, xitaa hadii ay wax ka ogtahay dowladda Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Falanqeeye Cabdullahi Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in tani ay tahay guul-darradii 3-aad ee dowladda federaalka ka soo wajahday dagaalka ay la gashay Axmed Madoobe, taasi oo dhaawaceysa jiritaanka qaranimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay ilaalinta wadajirka umadda Soomaaliyeed “Guul darradu waxay ka soo bilaabatay Raaskambooni, waxaa xigtay tii Doolow, hadana waa tan Axmed Madoobe dowlad kale ay ka soo qaaday dalkii, dowladda federaalkana ay ku fashilantay inay ka hortagto,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdullahi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xaq u laheed inay ciidan geyso magaalooyinka uu Axmed Madoobe kula dagaalay ee Raaskambooni iyo Doolow, si xuduudaha dalka ay u ilaaliyaan, balse taas ay ku fashilantay.

“Talaabada ugu horeysa ee dowladda Soomaaliya ay qaadi karto waa in safiirka loo yeero oo faahfaahin la codsado sida ay wax u jiraan, kadibna la isla eego waxa ka dhalanaaya hadii falkaas ku dhacay si tuugnimo ah, hadii dhacdo loo bareeray ay tahana waa in dowladda Soomaaliya ay ka fekerto madax-banaanida dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in diyaaradda qaaday Axmed Madoobe ay demisay Raadeerka, isla markaana ay qarisay lambarkeeda duulimaadka, iyadoo Kismaayo ka degtay waqti hore oo salaadii subax ah.

“Wax kasta waxay ku kala cadaa doonaan warqadda faahfaahin ee dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Kenya, laakiin cidda geysataba waa duulaan lagu soo qaaday madax-banaanida Soomaaliya, waana arrin halisteeda leh,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu falanqeynta arrintaan ka fiiriyey dhanka qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, “Indhaha shacabka Soomaaliyeed waxay arkayaan dowladooda oo ku fashilantay ilaalinta qaranimada iyo madax-banaanida dalka,” ayuu yiri.

Falanqeeye Siyaasadeed Cabdullahi wuxuu sheegay in qaladkaan diblomaasiyadeed uu marqaati u yahay doodda Al-Shabaab ee ah in cid kasta oo shisheeye ah aysan Soomaaliya u joogin taageerada dowladnimada Soomaaliya ee danahooda gaarka ah ay ka wataan dalka.

Hoos ka daawo wareysigaan

 



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *