Muqdisho Allbanaadir) – Waddada Afisyooni ee kala qaybisa degmooyinka Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xilligan ka muuqanayo burbur xoogleh wasaq, ciid tuuran, iyo dhagaxaan la tubay laamiga, taas oo waddadan ka dhigtay midda ugu foosha xun jidadka ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Sababta ugu wayn ayaa waxa ay dadka deegaanka ku sheegeen inuu istaagay dhsimihii waddadan oo socda muddo ka badan hal sano, welina lagama gaarin wax natiijo ah.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in boorka ka jiray waddadan ay cuduro ka qaadeen, isla markaana ay go’an tahay gebi ahaan waddada.
“Ciid ayaa irdaha nalaga soo dhigay laamiga inta laga soo xaaqay wax la qabtay maleh, dadkii shacabka ahaa cudur ayaaba laga bixi la’yahay bus ciid wadata baa na wareerisay carruurihii waa naga jiradeen” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka ayaa si qiiro leh uga hadlay dhibaatada ay ku qabaan waddada Afiysooni, wuxuuna tilmaamay in lacago laga qaaday dadka deegaanka, illaa iyo haddana aan waxba loogu qaban, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa mayd ah labadaan degmo dadka degan waa Xamarjajab iyo Waabari, mana ah dad xaqooda dhacsan karo guri kasto oo laamigaan saaran waxaa laga qaaday lacag, waxbana looguma qaban shacabkaan way dhiban yihiin” ayuu yiri wiilka dhalinyarada ah.
Waxaa kale oo uu sii raciyay “Markii hore wasaq ayaan dhib ku qabi jirnay, laakiin maanta waxaan dhib ku qabnaa boorkaan iyo inay ilmaha laamiga dhibaato kasoo gaarto”.
Ugu dameyn shacabka deggan xaafadaha ay marto waddada Afisyooni ayaa farriin culus u diray maamulka gobolka Banaadir oo ay ka dalbadeen in loo dhiso, loona dadajiyo.