Xasan Sheekh oo la hadlay Erdogan kadib weerarkii Ankara

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan, kadib weerarkii xalay ka dhacay Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay xarunta dhexe ee warshadda diyaaradaha iyo dayax-gacmeedyada cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Xasan ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isagoo Alle uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta warshadaha ee magaalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah.

Waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey si cad u cambaaraysay weerarka argagixiso ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Weerarkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 qof, halka 22 kalana ku dhaawacmeen, kadib markii laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee warshadaha.



Source link