Xasan Sheekh oo ka degay Qaahira iyo qorshe culus oo Masar iyo Somalia ay wadaan

Posted on

Qaahira (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay walaalkiis Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkaan uga yimid dalka Rwanda oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Paul Kagame oo mar kale dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Paul Kagame ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey  horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballan qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safarka kale ee Xasan Sheekh uu ku tegay Qaahira ayaa ku soo aadaya iyadoo Ankara ay ka socdeen wadahadallo in la is hor fariisto ay adkaatay oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayey khatar u aragtaa Itoobiya, maadaama danaha ay u heshiinayaa labadaan dal ay ugu horeyso cadaawadda Itoobiya.



Source link