Xasan Sheekh oo iclaamiyay shir deg deg ah + Ujeedka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa inuu iclaamiyay shir deg deg ah, kaas oo ay isugu imaanayaan Golaha Wadatashiga Qaran, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ujeedka shirkan ayaa ah mid looga arrinsanayo xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo farogelinta ay weli Itoobiya ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan si gaar ah diiradda loogu saarayo dhaq-dhaqaaqyada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen_ ka bilaabay gobollada Baay iyo Bakool, kadib markii laga soo dhaweeyay ciidamada Itoobiya, lagana diiday ciidamada Masar oo lagu beddalayo.

Golaha Amniga Qaranka ee uu hadda isugu yeeray madaxweynaha ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aanno culus oo ku aadan xiisadda taagan iyo sidii loo fulin lahaa qorshaha imaatinka ciidamada Masar oo qayb ka noqon doono howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS.

Tallaabada madaxweynaha ayaa imaaneyso ayada oo deegaannada Bakool, Hiiraan, Baay, iyo Gedo ayaa laga dareemay kacdoon ka dhan ah heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar, iyada oo bulshada deegaanka la abaabulay, si ay taageeraan ciidanka Itoobiya.

Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dhankooda kasoo horjeestay tallaabada uu qaaday Laftagareen, waxayna sheegeen inay kasoo horjeedo madax bannaanida Soomaaliya.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.



Source link